Saraakiil ka socota urur goboleedka IGAD iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha oo gaaray Jowhar – VIDEO

Saraakiil ka socota urur goboleedka IGAD iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar iyagoo hordhac u ah wafdi ka socda dowlada oo imanaya magaalada Jowhar maalmaha soo socda.

Wafdigan oo safar dhulka ah ku tegey magaalada Jowhar iyagoo ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ujeedka safarkooda lagu sheegay inay gogolxaar u noqdaan wafdi sare oo lagu wado inay soo gaaraan magaalada Jowhar si dib loogu furo shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Wafdigan oo aan illaa iyo haatan la shaacin xubnaha ay ka kooban yihiin ayaa la qorsheynayaa in ay la kulmaan oday dhaqameedyada ku sugan magaalada Jowhar iyo weliba maamulka gobolka Sh/dhexe.

Booqashada ay maanta ku yimaadeen saraakiishan ka socota IGAD magaalada Jowhar ayaa ku soo beegmaysa xilli uu maanta ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdrashiid Cali uu sheegay in go’aanka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan laga soo saari doono shirka madasha wadatashiga oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee ra’iisul wasaare ku xigeenka dowlada federalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte uu sheegay in 3da bisha September oo ku beegnayd sabtidii aynu ka soo gudubnay uu ka furmayo shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan magaalada Jowhar hase yeeshee illaa iyo hadda shirka ma furmin.