Sawir yaab leh: Amiin Camir oo Sharaf Tiray Madaxda maamulada Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed

Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa Sawir ku muujiyey Madaxda maamul Goboleedyada Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed, Kuwaasi oo dhex Fadhiistay Howl aan loo dirsan, Islamarkaana Faraha la galay Howlihii Dawladda Dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha Debeda, Kadib markii ay sheegeen inay taageersan yihiin Isbahaysiga Sucuudiga.

Sawirka ayaa lagu muujiyey Cumar C.rashiid oo Hogaanka u haya Xubnahan, Waxaana Xusid Mudan inuu Xiligan dalka Imaaraadka ugu magacaaban yahay La taliyaha Arimaha Bariga Afrika, Taasi oo ka dhigan inuu Qayb ka yahay Fur-furka iyo Dhaqaalaha la siiyey maamulada.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa maamulada ku sifeeyay inay yihiin  Kuwa  u Muuqda Xiligan Hogaamiyo Kooxeedyo Cusub oo Sharcigooda Jeebka ku sita.

DAAWO SAWIRRKA “KUWAANI WAA DAD, LAAKIIN DAMIIR MA LEH”