Seddex maamul goboleed oo lagu celiyay xubnihii ay usoo xuleen aqalka sare – AKHRISO

Seddex kamid ah maamul goboleedyada hoos yimaada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dib loogu celiyay xubnaha aqalka sare u matalaya maamulada oo maalin ka hor ay soo gudbiyeen.

War qoraal ah oo kasoo baxay gudiga doorashooyinka dadban ee dalka ayaa waxay ku sheegeen in maamul goboleedyada Galmudug, Puntland iyo Jubbaland aysan kusoo dirin xubnaha ay soo gudbiyeen doorkii haweenka.

Qoraalka ayaa lagu amaanay maamulka Koofur Galbeed oo la sheegay iney doorkooda siiyeen haweenka kasoo jeeda deegaanada maamulkaasi.

qondo1 qoondohaween