Senate-ka Mareykanka oo ka doodaya laalidda adeegga caafimaadka Obamacare

Senate-ka Mareykanka oo ka doodaya laalidda adeegga caafimaadka Obamacare

Soo dhaweyn loo sameeyay Senator John McCain oo gobolka Arizona loogaga baxnaaninayay kansar kaga dhacay maskaxdaLahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Soo dhaweyn loo sameeyay Senator John McCain oo gobolka Arizona loogaga baxnaaninayay kansar kaga dhacay maskaxda

Senate-ka Mareykanka ayaa u codeeyay in la bilaabo dood ku saabsan qodob sharciyeed cusub oo ah adeeg caafimaad oo uu soo gudbiyay xisbiga Jamhuuriga.

 Arrintan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday markii la fiiriyo iskudayga Madaxweyne Donald Trump uu ku doonayo inuu meesha kaga saaro sharci uu dajiyay ninka uu xilka kala wareegay.

Codka oo aad isugu dhawaa, ayaa dhowr xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo markii hore diidanaa qeyb ka mid ah qorshaha waxa ay daqiiqaddii ugu dambaysay badaleen ra’yigoodii oo waxa ay la safteen xisbigooda.

 Iskudayo hore oo meesha loogaga saari lahaa adeegga caafimaad ee Obamacare ayaa todobaadyadii la soo dhaafay u burburay kala qeybsanaan ka dhex jirtay xisbiga Jamhuuriga.

Madaxweyne Trump ayaa ololihiisii ku ballanqaaday inuu burburin doono sharcigaasi.

Inta aanan codka loo qaadin doodda qodob sharciyeedkan, ayuu Trump uga digay senatarrada xisbigiisa cawaaqibka ka dhalan kara haddii aanay baritaarin tallaabooyinka meesha looga saarayo misana lagu badelayo Obamacare.

Xisbiga Jamhuuriga oo aqlabiyad u baahnaa si uu u bilaabo doodda arrintan ayaa helay 51 cod kaddib markii Madaxweyne Kuxigeenka Mike Pence uu dhiibtay cod uu ku taageerayo sharcigan cusub.

Senatar John McCain, oo dhawaantan laga helay kansarka ku dhaca maskaxda ayaa loo istaagay kaddib markii uu dib ugu soo laabtay kongareeska si uu “Haa” ugu codeeyo.