(September 02,2016) Gudi Siyaasiyiin caan ah oo ka shaqeynaya dib u dhigida maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe – SAWIRO

Shir ay isugu yimaadeen Musharaxiin Madaxweyne, Madaxda Xisbiyadda Siyaasada, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Odayaal Dhaqameed oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa  waxaa laga soo saaray Gudi ka kooban 7 siyaasi oo caan kaasoo ka shaqeeyna sidii dib loogu dhigi lahaa Maamul  u sameynta Hiiraan iyo Sh/ dhex doorashada 2016 kadib, iyo sidoo kale arimaha siyaasasdeed iyo doorasho ee quseeysa labada gobol iyadoo Xiriiriye loogu doortay Mudane Zayid Cali macalin Cabdulle Maariyihii hore ee Dekada Muqdisho.

Gudigaas ayaa waxaa ka mida Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame, Musharax Madaxweyne Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Musharax Madaxweyne Ambassador Maxamed Cali Ameerika , Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha Xildhibaan C/laahi Goodax Bare, Maariyihii hore ee Dekada Muqdisho Zayid Cali Macalim Cabdulle, , Gudoomiyaha Xisbiga Kulan C/qaadir Maxamed Cusmaan Caanooy (Barnaamij) , Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Qaranka Soomaaliyeed Yusuf Cusmaan Maxamed.

Shirkaas ayaa waxaa khudbada ka jeediyay Nabadoono ay ka mid yihiin Ugaas Cabdi Daahir, Nabadoon Axmed Gaxash, Nabadoon Aadan Hilowle, Nabadoon Abuukar Cusmaan Sheekh (Abuukar Ganeey), Aqoonyahanka ayaa waxaa u hadlay Prof Axmed Xiji , halka ay ka hadleen  Musharixiin Madaxaweyne ay ka mid yihiin C/raxmaan C/shakuur Warsame , Maxamuud Axmed Nuur Tarsan,  Xildhibaan C/laahi Goodax Bare,   Gudoomiyaha Madasha Talo Wadaag  C/laahi Xaaji Cabdi Weli (C/laahi Telefoon), Xisbiyada siyaasadeed ayaa waxaa u hadlay Suleeymaan Yusuf, Siyaasiyiinta kale ayaa waxaa u hadlay Zayid Cali  Macalim Cabdulle.

Warsaxaafadeed Shirka ka soo baxay ayaa sidan u qornaa :

Warsaxaafadeed

 

1-    Shirwaynuhu wuxuu taageersan yahay maamul u dhisida deegaanadda Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe. Wuxuuse shirwaynuhu cadaynayaa in Dawlada Federaalka ay ku fashilantay maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe iyadoo masuuliyadeedii marti uga noqotay shakhsiyaad ka tirsan urur Goboleedka IGAD.

2-    Shirwaynuhu wuxuu ka digayaa dhismaha maamul gacan ku rimis ah oo colaad sokeeye lagu dhexdhigayo beelaha walaalaha ah ee degan Hiiraan iyo Shabeeleda Dhexe. Wuxuu kaloo ka digayaa in la soo celiyo tijaabadii maamul u samaynta Galmudug oo la abuuro maamul ku go’doonsan Jowhar oo aan Hiiraan u gudbi karin.

3-    Shirwaynuhu wuxuu ka warqabaa in sababta loo dedejinayo loona afduubayo hawlaha maamul u samaynta ay tahay in la doonayo in Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh loogu sadburiyo doorashadda 2016-da.

4-    Shirwaynuhu wuxuu ku baaqayaa in maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe aysan ahayn hawl maalmo yar lagu soo afmeeri karo ee ay u baahantahay waqti iyo fursad ay beelaha walaalaha ah ee deeganaadaas uga heeshiiyaan habsami u socodka dhamaan hawlaha la xariira maamul u samaynta.

5-    Shirwaynuhu wuxuu ku baaqayaa in mudnaanta la siiyo ka mira dhalinta doorashooyinka hawlahoodu dalka ka bilawdeen, hawlaha maamul u samayntana dib loogu dhigo doorashooyinka ka dib.

6-    Shirwaynuhu wuxuu ugu baaqayaa urur Goboleedka IGAD in ay dhexdhexaad ka noqdaan hawlaha maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, wuxuu kaloo ugu baaqayaa UNka, EUda, AMISOM iyo dawladaha deeqbixiyayaasha ah in ka foojignaadaan wixii wax u dhimaya hawlaha doorashooyinka ee dalka ka bilaawday, xoogana saaraan mudnaantana siiyaan hawlaha doorashadda.

7-    Shirweynaha waxaa ka soo baxay “Gudiga Xiriirnta Hiiraan iyo Sh/dhexe”  oo ka kooban 7 Xubnood oo kala ah:-

  • Mudane C/raxmaan C/shakuur Warsame
  • Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
  • Mudane Ambassador Maxamed Cali Ameerika
  • Mudane C/laahi Goodax Bare
  • Sayid Cali Macalim Cabdulle    == Xiriiriye ==
  • Cqaadir Maxamed Cusmaan Barnaamij
  • Yusuf Cusmaan Maxamed

 

 

kulan-did kulan-did1 kulan-did2 kulan-did3 kulan-did4 kulan-did5 kulan-did6