(September 02,2016) Shirkadda Samsung oo maanta hakisay iibinta taleefon gacmeedkeeda Galaxy Note 7, laba toddobaad kadib un markii ay billowday

Shirkada Samsung ayaa dalbatay in loo soo celiyo taleefanka caaqilka ah ee Galaxy Note 7 oo ah midkii u dambeeyay ee ay soo saarto, waxayna sheegtay in baytariga uu ka imanayo dabka ka kacaya taleefanka.

Go’aankani wuxuu yimid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed lagu arkay taleefanku in uu “qarxayo” marka la dabaynayo.
Galaxy Note 7Image copyright ARIEL GONZALEZ
 

Shirkadan laga leeyahay Koonfurta Kuuriya ayaa sheegtay in macaamiisha hadaba gatay taleefanka ay ku badalan karaan mid cusub.

Samsung ayaa sheegtay in ay ku adagtahay in ay garato taleefanada khaaska ah ee arrintani saamaysay maadaama ay iibisay 2.5 milyan oo Note 7 ah.

“Cilad yar ayaa jirtay markii la samaynayay sidaas daraadeed way adagtahay in la ogaado” sidaas waxaa saxafiyiinta u sheegay Koh Dong-jin oo ah masuulka taleefanada u qaabilsan shirkadda Samsung.

“Arrintaas qiimo wayn ayay noogu kici doontaa wadnahaygana way gilgishay, iyadooy taasi jirtana waxaan go’aankaas u qaadanay in aan wax walbe ka hor marinay badqabka macaamiisha” ayuu sii raaciyay.

Shirkaddu waxay sheegtay in ay labo todobaad ku qaadan doonto in ay diyaariso taleefanada cusub ee ay ku badalayso kuwii hore loo iibsaday.

Sida ay shirkaddu sheegtay taleefanka iibintiisa waxaa laga bilaabay 10 dal laakiin shirkado kala duwan ayaa baytariga qaybiyay.

Taleefanadan dib loo soo celinayo waxay ku soo aadeen todobaad ka hor marka la soo badhigayo taleefan cusub oo iphone ah kaas oo ay leedahay shirkadda ay is hayaan ee Apple.