(September 03,2016) TaliyahaCiidanka Asluubta Maamulka Hargeysa Janaral Maxamaud Xudhuun Oo Shil Gaadhi Ku Galay Deegaanka Galbeedka Ee Fadhi Xun Iyo Gaadiidka Gurmadka Oo..

War imika naga soo gaadhay deegaanka fadhi xun ee Galbeedka Magaalada Borama ayaa sheegaya in uu gaadhi la rogmaday taliyaha ciidanka Asluubta maamulka Hargeysa  Janaral Maxamed Xudhuun oo safar ku marayay deegaanadaasi.

Taliye Xudhuun ayaa la xaqiijiyay inuu dhaawac kasoo gaadhay Qoorta iyo gacan,isla markaana dhaawaca dirawalkiisa gaadhiga u waday la sheegay inuu  dhaawaciisu culus yahay.
Isla markiiba baabuurka gurmadka ayaa si dhaqso ah uga baxay Borama oo doonay dhaawaca masuuliyiintaasi gaadhigu la rogmaday.
Janaral Xudhuun ayaa ah masuulka ugu sumcad wanaagsan masuuliyiinta Galbeedka ku matalaya xukuumada Siilaanyo.
Wixii war ah ee kasoo kordha warkaasi Isha ku hay Wararkayaga Dambe ee Boramanews.com