
Dawlada Bangladesh ayaa dilay ninka taajirka islamarkaana taageraha maaliyadeed ee ugu badan siinayay xisbiga mucaaradka ka dib markii qoyskiisa la yeesheen booqashadi ugu danbeesay.
“Dilka ayaa dhacay 10:35 pm (1635GMT),” ayuu yiri wasiirka sharciga iyo cadaaladda dalkaasi Anisul Huq.
Cali ayaa ku xidhnaa xabsiga ammaanka sare ee Kashimpur Gazipur, oo 40 km waqooyi ka xigta caasimada Dhaka.
Ka dib markii Maxkamadda Sare diiday inuu qaato racfaanki ugu danbeeyay , Ali ayaa diiday in uu cafis weydiisto madaxweynaha, taas oo u baahan qirashada eedeemaha.
Ali wuxuu ahaa taliye muhiim ah oo ka mid ah dagaalyahanadii gacansaarka la lahaa -militiriga Pakistan ee konfurta magaala xeebeedka Chittagong inta lagu jiray dagaalkii 1971 , oo markii dambe noqday ganacsade weyn oo dhanka hantida ka kooban dhulka ama dhismayaalka