Shabaab iyo ciidamada Dowladda oo ku dagaalamay deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud..

Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaal u dhaxeeyay ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Shabaab oo ka dhacay xalay deegaanka Bud-bud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay, kadib markii ciidamada Shabaabka tiro Madaafiic ah ay ku soo garaaceen deegaanka, islamarkaana Madaafiicda ay xigeen dagaal Khasaare geystay.

Ciidamada Shabaabka ayaa gudaha u galay deegaanka Bud-bud waxayna halkaasi kula dagaalameen ciidamada Dowladda.

Ugu yaraan 8 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa halkaasi ku geeriyooday, sidoo kale waxaa jira Khasaare dhaawacyo ah oo ka dhashay dagaalkaasi.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ayaa sheegay deegaanka Bud-bud inay ku sugan yihiin ciidamadooda, islamarkaana xaalada ay tahay mid degan.

Deegaanka Bud-bud ayaa la shegay shalay gelinkii dambe inay ka guureen ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee halkaasi joogay, taasina ay keentay in Shabaab damac uu ka soo galo inay qabsadaan deegaanka.