Shariif Xasan “Dad ayaa ku fikiraya in la baabi’iyo Federaalismka iyo in maamulada….”

Shariif Xasan “Dad ayaa ku fikiraya in la baabi’iyo Federaalismka iyo in maamulada….”

by A M Thursday, Oct 5, 2017 
October 05 (Jowhar)— Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadatay Federaal, isagoo ka digay in inay jiraan shaqsiyaad ku howlan in la baabi’iyo maamulada Federaalka.

 

Shariif Xasan oo shalay Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Baydhabo, kaddib markii uu dib ugu laabtay ayaa ugu baaqay dadka reer Koofur Galbeed in labada gacmood ku qabsadaan maamulkooda

“Reer Koofur Galbeed Federaal ayaa tihiin, Soomaaliya Federaal ayay qaadatay, waxaa la rabaa inaan labo gacmood ku qabsatiin, dad ayaa ku fikiraya in Federaalka la baabi’iyo maamulada la dumiyo”ayuu yiri Shariif Xasan.

Waxaa uu sheegay in maamulada Federaalka ay yihiin muqadas, waxaa uu xusay in Soomaaliya ka jirto maamulo, isla markaana ay hoostagaan dowladda Dhexe.

Qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso maamulada dalka ka jira, iyadoo hoos ka riixeysa, qorshayaal meesha looga saarayo madaxda maamul goboleedyada qaar ee mudada ku raagay xilka.

Tan iyo markii uu soo if baxay khilaafka dalalka Khaliijka ayaa waxaa uu saameynta ugu weyn ku yeeshay nidaamka Federaalka Soomaaliya, kaddib markii dowlad goboleedyada ay ka soo hor-jeesteen mowqifkii dhex dhexaadnimada ay qaadatay dowladda Federaalka, waxaana go’aano dhowaan ka soo baxay dowlad goboleedyada ay ku taageereen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.