
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed Somaliya ku amray inay dib u soo celiyaan Degmooyinkii ay Al-Shabaab dib u qabsadeen.
Waxa uu sheegay in uu sugayo in maalmaha soo socda in Ciidanka Koofur Galbeed Somaliya in ay Al-Shabaab ay ka saaraan degmooyinka iyo deegaanada ay iminka ku sugan yihiin.
Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa la wareegay Al-Shabaab, waxaana deegaanada qaar isaga baxay Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Amisom.