Shariif Xasan oo ku dhawaaqaya in uu yahay Musharax Madaxweynaha Somalia

Sida ay sheegayaan Illo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Maamulka Koofur galbeed  Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta lagu wadaa in uu ku dhawaaqi doono inuu yahay  Musharax u tartamaya Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya .

Wararka ayaa sheegaya in uu Magaalada Baydhabo uga dhawaaqayo Madaxweyne Shariif inuu yahay Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya Doorashada la filayo in ay dhacdo Bisha November ee Sanadkan.

Inta badan Madaxda Soomaalida ah ayaa hadda ah Musharixiinta u taaqan qabashada Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya

Lama Oga sida uu isku  Waafajin doono Xilka Madaxweynaha Koofur galbeed ee uu hadda  hayo iyo Musharaxnimada Xilka Madaxweyne.