Sheekada Kenya ee Badda Soomaaliya oo Maraysaa Darbi Xag Xagasho, Laakiin Yaan la Yaraysan – VIDEO

Sheekada Kenya ee Badda Soomaaliya ayaa waxa ay hadda Maraysaa Darbi Xag Xagasho, hadaba Waraysi lala yeesha Safiiradda Kenya u Fadhisa dalka Holland oo ka qayb qaadatay fadhiga maxkamada hadda ka socota magaaladaasi Hague, ayaa waxaa la waydiiyay Su’aalo kul kulul oo la xiriira boobka ay Kenya ku Hayso Badda Soomaaliya.

Danjiradda ayaa sheegatay in Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin laba dowladood oo saaxiibo ah oo uu cilaaqaad fiicani ka dhaxeeyo, ayna dhibaatooyinka dhexyaala ku dhamaysan karaan wada hadal iyo is afgarasho.

 

Su’aasha kale ee la waydiiyay danjiraha ayaa waxa ay ahayd, Maxay dowladda Kenya u doorbidaysaa in lagu wada hadlo goobaha kafeega lagu cabo, oo ay u diidantahay in maxkamada horteeda lagu wado hadlo oo xaalka halkan lagu gooyo?.

Waxayna jawaabta su’aashani ku soo celisay midii ay horey u bixisay oo ahayd in Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin laba dowladood oo Saaxiibo ah ayna wadahadlaan intii ay Maxkamad isla tegi lahaayeen.

Hadaba Sheekada Kenya ayaa waxa ay hadda maraysaa Darbi xag-xagsho, oo meesha kuma hayaan wax sharci oo ay ku doodi karaan, laakiin Kenya yaan la yaraysan, waxaana hadda ay cabsi badan la soo gudboonaatay Shirkadihii halkaasi shidaalka ka baarayay qaar, oo ka cabsi qaba in hadii ay Soomaaliya guulaysato ganaax badan dusha laga saari doono, waxayna dabcan shirkadahani isku deyi doonaan inay Kenya dhaqaale ahaan ka Caawiyaan sidii ay ugu guulaysan lahayd kiiskani.