Sheekh Cali Maxamed Cumar Oo Deeq Lacaga Soo Gaadhsiiyay Haweenay Danyar Ah Oo Saddex Caruur Mataano Ah Ku Dhashay Cusbitaalka Guud Ee Boorama.

????????????????

Sheekh Cali Maxamed Cumar oo ka tirsan ururka dhalinyarada Samafalka Duyuuur Alkhayr ee Gobolka ayaa maanta soo gaadhsiiyay deeq lacaga oo uga wakiil ahaa Sheekh Maxamuud oo ah  muxsin ku nool dalka Canada haweenay danyar ah oo saddex caruur ah ku dhashay cusbitaalka Guud Ee Magaalada Boorama oo mudooyinkii u danbeeyay Warbaahintu warkeeda faafinaysay.

Deeqdan lacagta ah oo dhanayd 200 Dollar ayaa waxaa ka gudoomay odayga qabay xaaskan oo iyada iyo caruurteedii ay dhashay ee mataanaha ahaa ay wali ku jiraan dhakhtarka guud waxa ayna uga mahadceliyeen sheekhaas muxsinka ah ee deeqdaas lacagta ah u soo diray sheekh Cali oo uu soo wakiishay waxa ayna alle uga baryeen inuu miisaanka xasaanaadka alle ugu daro.