
Shirka Gudoomiyaasha Maxkamada sare ee Wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo sanadkan ay marti galinayso Saldanada Cumaan ayaa waxa uu ka furmay Magaala madaxda Dalkaas ee Masqat.
Shirkan oo ay sanadkan ka qayb galayaan wafdi heer sare ah oo uu horkacayo gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Garyaqaan Ibraahin Iidle Saleebaan iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Sheekh Saalax Sheekh Ibraahin Dhiblaawe, sidoo kalena uu goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Saldanada Cumaan Danjire Cabdirazaaq.
Shirkan oo soconaya muddo laba maalin ah ayaa waxaa looga hadlayaa sidii dhowr arrimood oo quseeya dhanka garsoorka xal looga gaari lahaa iyadoo ay arrimahaasna ka mid yihiin in xal loo helo xalinta Khilaafaadka ,kaa soo gudiyo garsoor loo saarayo, iyo in dowladaha qaar laga dhagaysto sida ay waayo aragnimo ugu leeyihiin.
Sidoo kale waxaa laga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa dib u dhaca ku yimaada dhagaysiga dacwadaha , iyo in dacwadaha si deg deg ah loo dhameeyo oo go’aan cadaalad ah looga soo saaro.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay dhanka Saldanada Cumaan Amiiro iyo wasiiro ka socday dowladaas oo iyagana Khudbado halkaas ka jeediyay iyadoo maanta halkaas laga jeediyay Khudbado ay soo diyaariyeen wadamada qaar , barina qaar kale ayaa laga dhagaysan doono waayo aragnimadooda dhanka Garsoorka .
Dhanka kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Cumaan Mudane Cabdirisaaq Faarax Cali oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in 34 Dhalinyaro ah oo laa heysta Burcad Badeednimo ay ku Jiraan Xabsiyada Dalkaasi ,ku waa soo ku Xukuman Xamsi daa’im.
Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda Dowlada soomaaliya ay wadaan dadaalo ku aadan sidii dhalinyaradaas loogu heli lahaa cadaalad, islamarkaana loogu soo wareejin lahaa dalkooda.