Shirkadda Facebook oo sheegtay in ay ogolaan doonto in dadku ay facebook-ga ku isticmaali karaan sawir taariikhi ah…..

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in ay ogolaan doonto in dadku ay facebook-ga ku isticmaali karaan sawir taariikhi ah oo laga qaaday dagaalkii Vietnam ee sanadkii 1972-dii.

Mar hore ayay shirkaddu ka saartay sawirkaas Facebook-ga kaddib markii uu soo dhigay qoraa reer Norway ah.

Sababta ay shirkaddu u saartay waxay ku sheegtay in ilmaha yari uu qaawan yahay.

Arrintaas ayaase dood ka dhalisay doodrka tifaftir ee Facebook.

Tifaftiraha wargayska Norway ugu balaaran ayaa waraaq furan u qoray chief Mark Zuckerberg oo ah madaxa saree e Facebook isaga mamnuucitaanka sawirkaas ku tilmaamay “ku takrifal awood”

Shirkadda ayaa markaas kaddib sheegtay “in ay dhagaysatay bulshada” ayna qirayaan “ahmiyadda uu sawirkaasi u leeyahay caalamka”.

Ra’iisalwasaaraha dalka Norway ayaa soo dhawaysay go’aankaas sababtoo isla sawirkaas muranka dhaliyay oo ay tijaabo ahaan u galisay Facebook ayaa la tiray.

Ra'iisalwasaaraha Norway Erna Solberg