
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa maanta u qeybisay Beelaha Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe Xildhibaanada Baarlamaanka uu yeelanayo labada Maamul, kadib markii maalmihii la soo dhaafay Odayaasha dhaqanka iyo ergooyinka ka socota labada gobol kulamo ku lahaayeen magaalada Jowhar.
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in heshiis laga gaaray qeybsiga xildhibaanada Baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ugu baaqay Beelaha labada gobol in maalinta arbacada ay ku soo xareeyaan Ergooyinkii uga qeyb geli laheyd shirka maamul u sameynta.
Mr Yaxye ayaa sheegay in beel walba tirada ka soo gaartay Xildhibaankiiba ku dhufsaneyso 3 oo ah ergada beel walba uga qeyb geli doono shirka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in 3-da bisha October la dooran doono Madaxweynaha Maamulka, isla markaana 28-ka bishan la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana uu ugu baaqay beelaha inay soo dedejiyaan soo xulista Xildhibaanada uu yeelanayo Baarlamaanka.
Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in tirada Xildhibaanada Baarlamaanka ee maamulka labada Gobol la gaarsiiyay 91 Xildhibaan, cabasho ka timid beelaha qaar oo markii hore sheegay in 71 xildhibaan ee horay loo soo bandhigay ay tahay mid ku yar beelaha labada gobol.
Hadaba Jowhar.com ayaa heshay sida beelaha qaar u kala heleen Kuraasta Xildhibaanada:
1- Abgaal 15
2- Xawaadle 13
3- Gaaljecel 12
4- Jareer weyne 11
5- Gugundhabe 11
6- H/gidir 5
7- Moobleen 3
8- Ciise Muddulood 3
9- Hiilibi 2
10- Shiiqaal 1
11- Reer Aw xasan 1
FG: Beelaha waxaa dib ka soo saxeynaa tirada rasmiga ah ee Xildhibaanada Baarlamaanka labada Gobol ee ay u kala heleen Beelaha, intaan aan soo bandhignay waa horu dhaca Liiska aan helnay, waxaa jira beelo qaar oo iyana helay min hal xubin, dib ayaa ka soo daabici doonaa.