Siilaanyo oo waji gabax kala kulmay markii ay dawlada Ingriisku diiay in ay la kulanto iyo maanta oo uu ka huleeli doono magaalada London

Madaxweyne Siilaanyo oo hawlo caafimaad u joogay dalka Ingriiska ayaa maanta dib ugu laabnaaya Somaliland,madaxweyne Siilaanyo oo qasdigiisii hore ahaa ama dalka Ingriiska u yimid hawlo caafimaad, ayaa ku guul daraystay in uu la kulmo dawlada Ingriiska, inkasta oo dhowr jeer mudane Siilaanyo uu dalbaday in uu la kulmo wasaarada arimaha dibada oo xiliyadii hore si diiran u qaabili jirtay ayaa xiligani albaabada ka xidhatay waxana uu kala kulmay waji gabax.

Siilaanyo oo xiliyada qaar gaadhay in uu la kulmo raysal wasaaraha dalka UK- ayaa maanta xitaa loo diiday in uu arko agsaamiyaal iyo wasaarada Ingriiska u qaabilsan qaarada Africa, oo yaalaaba madaxweynaha si laab furan u qaabili jirtay.

Arintani lagu sanifay madaxweyne Siilaanyo ayaa loo tirinyaa doorashooyinka Somaliland ee aanu daacada ka ahayn in uu dalka ka qabto, kuwaasi oo lacag maalaayiin doolar gaadhaysaa ay kaga baxday dawlada Ingriiska iyo dawladaha kale ee daneeya dimuquraadiyada Somaliland iyada oo ay ugu danbaysay doorashooyinkii uu kala qaaday ee wakiilada iyo madaxtooyada.

Doorkan ama socdaalkan Siilaanyo ee xiligani waa kii ugu horeeyay ee uu dalka Ingriiska ku yimaado ee aanu la kulmin xukumadda Ingriiska.

Siilaanyo ayaa la kulmay intii uu London joogay xildhibaano ka tirsan aqalka wakiilada ee dalka UK- xildhibaanadaasina waa kuwo cid kastaa iskala kulmi karto oo aan wax siyaasad ah shaqo ku lahayn, hadii uu Siilaanyo qaban waayo doorashooyinka soo socdana waxa dhici doonta in albaab kasta laga xidho.