Siyaasiga Faarax Macalin oo sheegay inuu Sharciga la tiigsan doono Telefishinka Universal

Siyaasiga Faarax Macalin oo sheegay inuu Sharciga la tiigsan doono Telefishinka Universal

by A M Friday, Jul 28, 2017 

July 28 (Jowhar)— Siyaasiga Faarax Macalin Dawaare oo u taagan Musharaxnimada Kursiga Xildhibaanka laga soo doorto Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegay inuu sharciga la tiigsan doono Telefishinka Universal TV ee xaruntiisa tahay London.

Faarax Macalin ayaa ka carooday Barnaamijka Faaliyaha oo ah barnaamij qosol wareedka ah oo lagu soo qaato siyaasiyiinta, isagoo xusay in barnaamijkan looga gol leeyahay in sumcada lagaga dilo, markii la arkay inuu ugu cad cadahay doorashada kursigaas, isla markaana ku guuleysan doono sida uu yiri.

“Universal waxay sameeyeen wax aan xaqiiqo aheyn, sharciga ayaa la tiigsanayaa, aniga xoog uma adeegsanayo, laakiin meel kasta ayaa dacwad uga furi doonaa, meel kasta ay galaan waa ugu daba galayaa, Al-Shabaab inay ka naf ka doontaan waa gooni. adduunka meel kasta sharci ayaa yaalo”ayuu yiri Faarax Macalin oo la hadlayay Telefishinka RTN ee xaruntiisu tahay magaalada Nairobi.

Telefishinka Universal ayaa dhowr jeer oo hore laga xiray Wariyeyaal iyo xarumo uu ku lahaa qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, waxaana maamulada dalka ka jira ay dhibsanayeen barnaamijka qosol wareedka ee Faaliyaha oo lagu soo qaato siyaasiyiinta, isla markaana dad loo ekeysiiyo siyaasiyiinta wajiyadooda sheekooyin qosol ah laga sameeyo.

Bishii February ee sanadkan ayay aheyd markii Milkiilaha Telefishinkaas Eng. Axmadey Abuubakar lagu xiray magaalada Hargeysa, kaddib markii Barnaamijka Faaliyaha Qaranka lagu soo qaatay warbixin ka hadlaysay heshiiskii Imaaraadka Carabta ee Saldhigga Milateri iyo Dekeda Berbera.