
Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka Somaliya, ayaa waxay galabta ku baaqeen in si deg deg ah loo furo wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho.
Siyaasiyiintan, ayaa si isu midda u sheegay in dadku isu diyaarinayaan soo dhawaynta Ciidul Adxaa, sidaasi daraadeedna aan loo baahnayn in wadooyinku sii xirnaadaan.
Waxay kaloo sheegeen inaanan lagu marmarsiyoon karin Shirka Madaxda Wadamada Igad, oo Talaadada lagu wado in uu ka furmo Magaalada Muqdisho, sababo ku aadan shirkaasi oo ay sheegeen in uu ka qabsoomayo Garoonka Aadan Cadde.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada, ayaa sheegay in wadooyinka loo xiray xaqiijinta ammaanka Caasimadda, iyadoo Caasimadda ay martigelinayso shirka Igad, markii ugu horeysay, sida uu yiri.