
Hay’ada Qaxootiga Adduunka UNHCR ayaa soo bandhigtay warbixin ay ugaga hadlayso qaxootiga adduunka iyadoo dadka Soomaaliyeed ay noqdeen dalka 3aad ee dunida ugu qaxootiga badan.
Tirada dadka qaxootiga ah ayaa ka sara martay 65 malyan oo markii ugu horeysay taariiqda caalamka. Inkabadan 21 malyan ayaa ah qaxooti halka 40.8 malyan ay yihiin dad gudaha dalalkooda ku barakacay halkan 3.2 malyan ay yihiin kuwo magangalyo doon ah.
Celcelis ahaan 24 ruux ayaa ka barakaca guryahooda daqiiqad walba maalin kasta sanadkii 2015ka marka lala barbar dhigo sanadkii 2005tii oo ahayd lix ruux oo kaliya.
Qaxootiga 21ka malyan ah ayaa 16.1 malyan ay gacanta ku haysay hay’ada UNHCR halka 5.2 malyan ay ahaayeen qaxooti Falastiiniyiin ah oo u xilsaarnaayeen hay’ada UNRWA.
Saddex dal ayaa waxa ay yihiin kuwo dadka ka qaxay ay ka badan yihiin kala bar qaxootiga kale ee caalamka sida ay UNHCR ay sheegtay.
Dalka Siiriya ayaa waxaa ka qaxay 4.9 malyan oo ruux, dalka labaad oo ah dalka Afghanistan ay yihiin 2.7 malyan oo qaxooti ah iyadoo dadka Soomaaliyeed ay ka qaxeen 1.1 malyan oo ruux.
Saddexdan dal ayaa dadka ka qaxay waxaa magangalyo siiyay ama ay ku nool yihiin wadamo deris la ah. Dalka Siiriya ayaa dadka ka qaxay waxa ay ku nool yihiin dalka Turkiga iyadoo ay ku nool yihiin 2.5 malyan halka dalka Lubnaan ay ku sugan yihiin 1.1 malyan iyo wadanka Jordan oo ay ku sugan yihiin 628,200).
Hase yeeshee, waxaa jira wadamo ku yaal qaarada Yurub oo qaxootinimo ay ugu nool yihiin dadka ka qaxay Siiriya. Dalka Jarmalka ayaa waxaa ku nool 115,600 iyo dalka Sweden 52,700.
Qaxootiga ka qaxay Afghanistan ayaa waxaa ku nool dalka Pakistan tiro gaareysa 1.6 million halka dalka Iran ay ku nool yihiin 951,100 ruux oo qaxooti ka cararay dagaalada dalkooda.
Shacabka Soomaaliyeed oo kaalinta 3aad kaga jira kala sareynta dadka qaxootiga ayaa waxaa intooda badan ay ku nool yihiin dalka Kenya (417,900) wadanka Ethiopia (256,700)
.