Sweden oo ku hanjabay tallaabo sharci ah ka dib markii wadanka Hungary ay diiden in ay qaxootiga qaataan..

Wasiirka caddaaladda iyo socdaalka ee dalka Sweden ayaa sheegay inay la tiigsan doonaan wadanka Hungary Maxkamadda cadaalada ee Yurub ilaa inta ay ka bilowayaan dib u qaadashada dadka magangalyo doonka ah ee ka soo galaya dalalka kale ee EU, .

Morgan Johansson oo u qoray Guddoomiyaha socdaalka EU, Dimitris Avramopoulos, ayaa ugu yeedhay inay kusoo rogaan Xeerarka Dublin wadanka Hungary.

Sweden ayaa ku biiray Denmark, Finland, Iceland iyo Norway dalalka canbaareeyeen Hungary ee jabitaanka sharciyada Midowga Yurub ee Dublin.

sharciyadaas oo qoraya in dadka qaxootiga ah dalka ugu horeya Yurubta eey galaan ay magangalyo weydiistan.

Mr Johansson ayaa sheegay warqad.uu qoray gudiga ilaalisa heshiisyada EU.

inay xaqiijiyaan in dawladaha Yurub ee heshiisyada markii hore saxiixeen ay dib uga guran.

Wasiirka ayaa ku hanjabay inay ku kala baxayaan Hungary Maxkamada Yurubiyaanka ee cadaalada ee sharciyada heshiiska ee wadankaasi u jabiyay .