Magafe lagu soo wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Ciidamada amniga dowladda dalka Koonfurta Suudaan ayaa u soo gacan-galiyay dowladda Soomaaliya Tahriibiye xiriir dhaw la lahaa Magafayaasha dalka Liibiya ee ka ganacsada tahriibayaasha.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay C/qaadir Cumar Cabdulle ayaa waxaa baadigoob ku hayay Booliska Adduunka ee Interpol, waxaana uu ka mid ahaa ragga ugu waa weyn ee wax tahriibiyay.

Xusseen Xaaji oo ah safiirka dowladda Soomaaliya dalka Koofurta Sudaan ayaa sheegay in ninkan muddo badan lagu raad-joogay, ugu dambeyn lagu guuleystay in la qabto, lana geeyo magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa ka mid ahaa koox dadka tahriibiya oo fadhigooda ahaa dalalka Koofurta Sudan iyo Sudan, waxaana sidoo kale gacanta lagu hayaa saddex nin oo kale oo la shaqeyn jirtay.

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ayaa la sheegay bilihii la soo dhaafay laga tahriibiyay Gobolada dalka Soomaaliya, kuwaasoo tahriibintooda ka qeyb qaadan jireen shabakado isku xiran oo ku kala sugan Soomaaliya, Koofurta Sudan, Sudan, Masar, Libiya illaa Talyaaniga.