Taliye kuxigeenka AMISOM oo kormeer ku tagay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Taliye kuxigeenka ciidamada AMISOM Mohammedesha Zeyinu ayaa kormeer ku tagay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya Soomaaliya.

Goobaha uu kormeerka ku tagay taliye Kuxigeenka ciidamada AMISOM Mohammedesha Zeyinu ayaa waxaa ka mid ah xeryaha ciidanka AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Kormeeka kadib ayaa taliye kuxigeenka waxaa xaflad soo dhaween ah loogu sameeyey xarunta Xalane oo ah xarunta ugu weyn AMISOM ee Muqdisho, waxaa kala soo qeyb galay munaasabadda taliyaha AMISOM Cismaan Subagle, Jeneraal Nakibus Lakara oo AMISOM u qaabilsan taageerada iyo tasiilaadka iyo waliba saraakiil kale oo sar-sare oo ka tirsan AMISOM.

Taliye kuxigeenka AMISOM Mohammedesha Zeyinu ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay hawl galkan ka qeyb qaadashiisa, isla markaana hawl galka ku sheegay hawl gal Afrikaan.

…Waxaanu kala baranay khibrado waxaana og nahay awoodeena ka Afrikaan ahaan waxa loo baahan yahayna waa in aan samayno oo maareyno hawl galo noocaan oo kale ah ayuu yiri Mohammedesha Zeyinu intaana waa uu raaciyay.

Ugu dambeen taliyaha AMISOM Cismaan Subagle ayaa ku ammaanay Mohammedesha Zeyinu gacantii uu ka geystay soo celinta ammaanka Soomaaliya