Trump: Fudaydka Kuuriyada Woqooyi waa in laga falceliyaa

Trump: Fudaydka Kuuriyada Woqooyi waa in laga falceliyaa

Madaxweynaha Maraykanka, Donald TrumpLahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in sannadihii dulqaadka istiraatijiyadeed ee lagaga dhur sugayey Kuuriyada Woqooyi ay dhamaadeen oo guul darraysteen.

Shir jaraa’id oo ay Aqalka Cad ku wada qabteen madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in, ayuu ka sheegay in ay tahay in fudaydka Kuuriyada Woqooyi lagaga falceliyo jawaab go’aan leh.

Waxa se uu intaa ku daray in ay muhiim u tahay Maraykanka in si haboon loola qaybsado culayska ka saaran difaacidda Kuuriyada Koonfureed.

 Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa isna sheegay in isaga iyo Madaxweyne Trump ay mudnaanta koobaad siinayaan arinta hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Woqooyi.

Waxaanu sheegay in dalkiisu bilaabi doono dib u habayn xagga gaashaan dhigga ah iyo xoojinta kartida uu iskii isku difaaci karo.