Trump iyo Clinton oo bilaabay Wareegii ugu Dambeeyay Ee Ololaha Doorashada

Donald Trump iyo Hillary Clinton oo ah  Labada Musharax ee Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqaraadiga u taagan xilka Madaxweyninimada Mareykanka  ayaa bilaabay Ololahoodii  ugu dambeeyay ee Tartanka Doorashada.

Ololaha tartanka Doorashada Madaxtinimida Mareykanka oo ay musharixiintaasi wadeen muddo laba bilood ah,  ayaa waxa u midkan yahay kii ugu dambeeyay wuxuuna ka dhacayaa Gobolka Ohio.

Ra’yi Uruuri n la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump uu Gobollo badan Mareykan ah  uu kaga dambeeyo Hillary Clinton, lakin uu aad ugu dhaw yahay.

Dhanka  kale Wakaaladaha Wararka Associated press iyo Reuters  ayaa  ra’yi ururin ay sameeyeen Jimcihii la soo dhaafay ku sheegay  in musharaxa Xisbiga jamhuuriga Donald Trump uu ka dambeeyo  Clinton 8 dhibcadood.

Waxaana la sheegay in dib u dhaca Trump ay sabab u tahay hadalada qalafsan ee aan loo meeldayin uu mar kasta jeedinayo isagoo iska lumiyay kalsooni badan tageerayaashiisa ay markii  hore u qabeen.