Trump iyo Putin oo heshiis ku gaaray in ay xiriirkooda wanaajiyaan.

Madaxweyneyaasha waddamada Mareykanka iyo Ruushka ayaa ka wada hadlay eedeymaha ah in Ruushku uu faragelin ku sameeyay doorashadii Mareykanka ee guushu ay ku raacday madaxweyne Trump.

Madaxweyne Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin yeeshay kulan barbar socday shirka hoggaamiyeyaasha waddamda G20 ee ka dhacayay magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ayaa ku heshiiyay in diiradda saaraan sidii ay xiriir wanaagsan u yeelan lahaayeen halka ay ku murmi lahaayeen wax laga soo tagay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in labadani hoggaamiye ay kulankooda diiradda ku saareen sidii ay uga gudbi lahaayeen muran laga yaabo in uu noqdo mid ay adkaato in la xakameeyo.

Hadalka Tillerson ayaa waxaa durbaba dhaliilay Chuck Schumer oo ah xubin sare oo ka mid ah xisbiga dimuquraadiga ee dalka Mareykanka, waxa uuna sheegay in aan la aqbali karin in lagu heshiiyo in aanan la heshiin.

Weriyaha BBC-da ee Moscow ayaa sheegaya in kulankaasi loo arko in uu ku soo dhamaaday guul.

Kal hore, wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov, ayaa sheegay in Trump uu aqbalay hadalka Putin oo u xaqiijiyay in Ruusjka uusan marnaba faragelin ku sameyn doorashada Mareykanka.

Dhanka kale, Trump iyo Putin ayaa ku heshiiyay in xabbad joojin laga hirgeliyo koonfur galbeedd Suuriya .

Dowlada Urdun oo sidoo kale ku lug lahayd heshiiskan ayaa sheegtay in heshiiskaasi uu dhaqangeli doono maalinta berri oo axad ah.