TRUMP: ” – Waa in tijaabo daroogo nala marsiiyaa kulanka dambe ee doodda” – SAWIRO

Musharraxa ugu tartamaya xilka madaxweyne xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi Mareykanka Donald Trum ayaa ka yaabay hab-dhaqanka ay lasoo shir tagtay qofta la tartameysa ee Hillary Clinton doodii labaad ee maalmo ka hor dhacday.


Hillary Clinton ayaa dooddii ugu dambeysay ee kala dhaxeysay mr. Trump waxay soo bandhigtay dhaqamo ka baxsan doodda oo aan horay looga baran, iyadoona mar qura tuurtay mikroofanka islamarkaana ay ciyaar qabsatay taas oo fajac ku riday Donald Trump.

 

Mr. Trum ayaa waxa uu iminka dalbanayaa in labadooduba la marsiiyo tijaabo laga baarayo in ay soo isticmaaleen daroogo.

” – Waxaan u maleynayaa in doodda dambe aan mari doonno tijaabo daroogo, sababtoo ah ma fahansani waxa ku dhacay qofta aan la tartamayo”, sidaa waxaa yiri Donald Trump.

Donald Trump ayaa sharraxay sababta uu u doonayo tijaabadan, waxaana uu sheegay in uu ogaa Hillary oo caafimaad darro la dhac-dhaceysa oo xitaa baabuurkeeda si saani ah u kori karin, hadana uu arko qof xayi ah oo ciyaar aan caadi aheyn iyo dood kulul soo bandhigaysa.

Ma cadda in warkan cusub ee kasoo yeeray musharrax Trump uu yahay mid shaaciro ah iyo in kale, balse arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu musharraxan weerar culus ku hayo caafimaadka Hillary Clinton.