U.N. oo cambaareeyay dilalka, xerada Falastiiniyiinta ee Suuriya ..

Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii cambaareeyay dilka afar qof kuwa oo isku dayeen inay ka baxaan xerada qaxootiga Falastiiniyiinta ku dhow caasimada Syria islamarkaana sheegeen in ammaanka la adkeeyay ee loogu tala galay dadka degan xerada ay wajahaan “khatar weyn ” marka ay isku dayaaan in ay helaan gargaar.

Dagaalada agagaarka xerada Khan Eshieh, oo hoy u ah 8,000 qaxootiga Falastiiniyiinta, ayaa kordhay tan iyo May, sida ay sheegeen hay’adda gargaarka (UNRWA), taas oo caawisa qaxootiga Falastiiniyiinta ee guud ahaan gobolka.

Laba dumar ah, darawalkoodii iyo ilmo yar ayaa ku dhintay habeenkii talaadada markii gaarigooda uu ku dhacay madfac iyaga oo isku dayeen in ay ka baxaan, xerada sida ay war qoraal ah ku sheegeen UNRWA.

Tan iyo bishii May, 31 qaxootiga Falastiiniyiinta ayaa lagu dilay xerada koonfureed ee Dimishaq, iyo qaar badan oo dhaawac ah, ayay hay’adda gargaarka raacisay.

Hay’adda U.N. ayaa sheegay Khan Eshieh inay halis ugu jirto inay noqoto sidii “Yarmouk oo kale” – xerada qaxootiga ee Dimishaq ayaa waxaa saameeyay sanado dagaal ah.

UNRWA ayaa dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay in ay u oggolaadaan in si nabad ah uga soo baxaan xerada dibaddeedii dadka deegaanka oo doonaya inay ka tagaan xeradaasi.

Waxaa ay sidoo kale ku baaqeen in gargaarka bani’aadamnimada uu si buuxda u gaaro Khan Eshieh si ay u helaan raashiin deg deg ah, gargaar lacag caddaan ah iyo daawooyin.