Ujeedka Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal Ugu Ambabaxeen Magaalada Jigjiga Ee DDSI

Waxaa maalintii shalay u ambabaxay xarunta dawlad degaanka soomaalida itoobya ee jigjiga wefti uu hogaaminayay gudoomiyaha hogaanka dhaqanka gobolada Awdal/Selel iyo Gabiley, ahna suldaanka guud ee Beelaha Habarcafaan Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal, waxaana weftigaas ku wehelinayay gudoomiyaha jaaliyada itoobiya ee gobolada Galbeedka Deero, Ganacsade Abiib Jibriil Nuur , Cheif Caaqil Warsame Muuse Axmed Iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka safarkan baaxada intaas le’eg oo aan warbaahinta loo soo bandhigin ayaa se ilo xogogaal ahi BooramaOnline.Com u xaqiijiyeen inuu ahaa safar u gaar ah suldaanka iyo mas’uuliyiinta la socota, iyada oo ay xogahaasi ku darayeen in munaasabad aroos ay kaga qayb galayeen Magaalada Jigjiga, kulamo xog waran ahna la yeelan doonaan inta ay ku sugan yihiin magaaladaas jaaliyada Gobolada Galbeedka ee ku nool killinka shanaad.

WIxii warar ah ee ka soo kordha socdaa Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal iyo waftigii uu hogaaminayay ee shalay u ambabaxay xarunta dawlad degaanka soomaalida itoobya ee jigjiga wararkayaga danbe kala soco haduu alla idmdo.