Ukrian oo dhalashadii kala noqotay Madaxweynihii hore ee Goergia

Madaxwaynihii hore ee dalka Goergia MICHEL SHAKASVIILI ayaa dawladda Ukrain ay kala laabatay dhalashadii uu wadankaa ka haystay, iyada oo laba jeer laga celiyay xuduuda wadanka Ukrain,ka dib markii uu amarka bixiyey madaxwaynaha dalkaasi.

Shakaasvilii ayaa haystay laba dhalasho oo ay ku jirto mida wadanka Ukrain tan iyo intii uu ahaa madaxwaynaha dalka Goreiga.

Madaxwaynaha Ukrain ayaa ku andacoonaya in aanu Mr: Shakaasvilli dhalasho Ukrain ah qaadan karin,waxaanu ku sababeeyay in dastuurka dalka Ukrain aanu ogolayn qof haysta dhalasho dal kale.

Michel Shakaasvilii ayaa dhinaciisa sheegay in uu maxkamada sare ee dalkaas u gudbin doono dacwad ka dhan ah madaxwaynaha dalka Ukrain.