(August 25,2016) UNHCR Oo Ka Walaacsan Qaxootiga Dhadhaab Sida Laamaha Amaanka Ula Dhaqmaan – DHEGEYSI

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa walaac ka muujisay hanjabaadyo dadka qaxootiga ah ay kala kulmayaan sarakiisha a,maanka dalka Kenya.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii sarkaalka amaanka ugu sareeya gobalkaasi uu dhawaan tagay xeryaha qaxootiga kuna amray qaxootiga inay ka baxaan xerada ka hor inta aan bisha November ee soo socota albaabada la isugu dhufan xerada.

UNHCR ayaa ku tilmaantay hadallada noocaasi ah ee saraakiisha Kenya kuwo xad gudub ku ah xaquuqda xaqootiga, jabinayana heshiiskii sadax geesoodka ahaa ee dowladda Somalia, Kenya iyo UNHCR.

Hadaba, Wariyaha VOA-da Maxaxmed Faarax Shire, ayaa boqday xerada Dhadaab waxuuna wareysigan la yeeshay Maxamed Mahad Gurxan oo ah sarkaalka u qaabilsan hay’ada UNHCR xiriirinta qaxootiga iyo dadka degaanka.