
Hadal qaadka dadka jabsada kombuyuutorada, ayaa mar lagu soo qaaday dooddi habeenkii Axadda dhexmartay labada musharrax ee u tartamaya madaxtinnimada.
Laba maalmood ka horna, agaasimaha nabad sugidda Maraykanka ayaa farta ku fiiqay waxa uu ku sheegay amarro ka soo baxay xafiisyo sare oo dowladda Ruushka ah oo farayay dadka noocaas ahi inay tallaabo qaadaan.
Hadal hayntani waxay soo baxday bishii May markii gudida heer qaran ee dimuqraadigu ay sheegeen inay walaac ka qabaan sida kombuyuutaradoodu u shaqeeyaan, ka dibna ay ka codsadeen shirkadda CrowdStrike ee ka shaqaysa ilaalinta xogta kombuyuutarrada bal inay eegaan.
Waxaa markaa la ogaaday in laba kooxood oo kuwa kombuyuutarada jabsada ahi ay kombuyuutarada guddiga si fudud ugu dhex jireen oo macluumaad kala baxayeen.
Dhawr gobol oo ka tirsan Maraykanka ayaa iaygana lagu soo waramay inay billaabeen inay hubiyaan dhawrsanaaanta xogta kombuyuutaraddooda, gaar ahaan kuwa ay ku jirto xogta cod bixiyeyaashu.
Nabad sugidda Maraykanka ayaa sheegtay in isku dayada lagu doonayo in lagu jabsado kombuyuuradada markii la baaray la ogaaday in laga soo abaabulayo dalka Ruushka.
Basaasidda iyo xog la xado ayaanan ahayn wax cusub, iyadoo dal kastaa oo ay ku jiraan Britain iyo Mareykanka ay arrintaa maanka ku hayaan.