Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo oo goordhow gaaray magaalada Kismayo

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha federalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa ayaa garoonka kusoo dhoweeyay wafdiga madaxweyne Farmaajo, waxaana salaan sharaf ay ka qaateen ciidamada kaddib loo dhaadhiciyay xarunta madaxtooyada.

Wali si rasmi ah looma shaacin ujeedka safarka madaxweynaha ee magaalada Kismayo balse waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxda sare ee maamulka Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada.

Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweynaha safar ku tago magaalada Kismayo oo xarun u ah maamulka Jubbaland tan iyo sidii loo doortay.