
Shabakada Wararka Hadhwanaagnews ayaa xogo Dheeraad ah ka heshay Qodobada Arimaha ay Dawllada Itoobiya ka hadashey Madaxweyne Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminayay ee dhawaan gaadhey Magaalada Adiss-ababa ee Xarunta dalka Itoobiya oo iyagu Shacbiga Somaliland u sheegay in ujeedada socdaalka Madaxweynuhu ku koobneyd arimo dhaqaale.
Sida ay xogahani daaha ka feydeen Arimaha khusuusiga ah ee Dawlada Itoobiya kala hadashey Madaxweyne Siilaanyo iyo waftiga uu hogaamainayay ayaa qodobada nuxurka wadahadalkaasi ay hordhac u ahaayeen arimaha Wareejinta Xukuumadu ku wareejisay Madaarka Berbera Dawllada Imaaraadka Carabta taas, oo Dawlada Itoobiya kala xaajootey Madaxweyne Siilaanyo istiraatijiyad ahaan saamaynta ay mandaqada Geeska ku yeelan karto Mustaqbal ahaan taalaabada ay Dawlada Imaaraadka Carabta ugu wareejiyeen Madaarka Berbera maadaama, Dawlada Itoobiya qorshe Mustaqbal k
leedahay Isticmaalka Dekkeda Berbera iyagoo geesta kalena cabsi ka qaba in Dawladaha Carbeed qaarkood khatar ku leeyihiin dalka Itoobiya sida Masaarida oo kale marka loo eego xidhiidhka Dalalka Carbeed hoos ahaan u leeyihiin.
Talaabadan ayaa aheyd mid aad u xasaasi ah oo Dawlada Itoobiya ka gashey falanqeyn dheer islamarkaana, diirada ku saartey in aaney habayaraatee jirin arimo la xidhiidha istiraatijiyada Somaliland ka leedahay dalalka Dunida Caalamka oo ku dhisan Siyaasad iyo Maamul ahaan in aan midna loo wareejin Madaarka Berbera haseyeeshee,go,aanka Madaxweyne Siilaanyo ugu wareejiyay Madaarka Berbera Dawlada Imaaraadku ku xidhiidhsan tahey dano kooban oo dhaqaale raadis ah kuwaas oo ku kali yihiin Qoyskiisu.
Walaaca Dawlada Itoobiya aka muujisey talaabadan ayaa laga yaabaa in ay saamayn adag ku yeelan karto rajooyinka Mustaqbal ee Dawlada Itoobiya ka qabtey Isticmaalka Dekkeda iyo arimo badan oo dhinaca iskaashiga labada adal ah sida Duulimaadyada Diyaaradaha Itoobiya iyo arimo kale oo badan.
Xigasho Hadhanaagnews.com