Wararkii ugu dambeeyey qaraxii saaka ka dhacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho -SAWIRO

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan Qarax saaka ka dhacay degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir gaar ahaan nawaaxiga suuqa Bacadlaha degmadaas.

Qaraxan ayaa daryankiisa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana ka dambeeyey rasaas ay fureen ciidamada dowlada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay dhisme Jiingad ka sameysan oo boolisku harsadaan kaasoo ku dhinac yiilay bar control oo ay ku leeyihiin agagaarka Suuqa bacadlaha degmada Xamar-weyne.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowlada Somalia ayaa goobta gaaray, isla markaana xiray, waxayna wararku intaa ku darayaan in ugu yaraan labo askari uu qaraxaas ku dhintay, toddoba kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo ka mid ahaa ciidamadii ku sugnaa barta control.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhashay waxyaabo qarxa oo la sii galiyey barta control ee ay ciidamada booliska ku lahaayeen goobta la qarxiyey, wuxuuna xusay iney socdaan baaritaano arintaas ku saabsan oo ay wadaan laamaha amaanka

Goobta uu qaraxu ka dhacay agagaarkeeda ayaa ah mid saxmad badan oo ay ku yaallaan goobo badan oo ganacsi, sida maqaayado, kaalin shidaal iyo ganacsi kale oo yar yar, waxaana mar kaliya laga kala cararay goobta markii uu qaraxu dhacay inkastoo wararku sheegayaan in hadda xaaladu caadi ku soo laabaneyso.