Wasiirada Arrimaha dibadda jaamacada carabta oo soo dhaweeyay shir lagu taageerayo waxbarashada soomaaliya

Golaha Wasiirada arrimaha dibadda ee jaamacadda carabta oo maalinimadii shalay ku yeeshay Magaalada qaahira ee wadanka Masar kulankoodii 146 aad ayaa soo dhaweeyay go,aanka dowladda kuweit ay ku martigelineyso horaanta sanadka 2017 shir lagu taageerayo horumarinta Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirada arrimaha dibadda ayaa gabagabada shirkooda waxay kaga dalbadeen Dowlaha carabta gaar ahaan wasaaradaha waxbarashada in ay kaalin buuxda ka qaataan sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Waxbarasha iyo sidii Manaahijta iskuulada looga dhigi lahaa carabi.

Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyey dadaalada iyo taageerada Carbeed ee xilligaan soconaya ee laga gaaray dhinacyada amniga ,horumarinta, gargaarka bani,aadinimo, dib u dhiska iyo sare u qaadista tayada hay’adaha dowladda gaar ciidamada soomaaliya.

Wasiirada arrimaha dibadda ayaa sidoo kale waxay ugu baaqeen hay’adaha , sanduuqyada iyo Golayaasha Wasiirada Wadamada Carabata inay taageero u fidiyaan Dowladda soomaaliya iyo sidii dhibaatada looga qaadi lahaa shacabka soomaaliyeed oo in muddo ah burbur ku jiray.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale kulankoodii waxay ku soo dhaweyeen horumarada Dowladda soomaaliya ay ka gaartay arrimaha la xiriira dib u heshiisiinta,soo nooleynta iyo dib u howlgelinta hay’adaha Dowladda, waxayna aad u bogaadiyeen dadaalada Ciidamada Midowga Africa oo iyagu taageera siiya Ciidamada Dowlada soomaaliya sidii loo ilaalin lahaa amaanka iyo xasiloonida wadanka.

Ugu danbeyn Golaha yaa aad u cambaareeyay dhammaan ficilada gurracan ee ay ku kacaan kooxaha argagixisada,kuwaasoo beegsada Xarumaha Dowladda Ciidamada Midowga Africa iyo shacabka soomaaliyeed,waxayna ugu baaqeen Dowlaha Xubnaha ka ah jaamacadda Carabta inay Dowlada Soomaaliya ka taageeraan dhanka siyaasada iyo dhaqaalaha.