Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain oo saaka socdaal lama filaan ah ku yimid Muqdisho

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Britain Boris Johnson ayaa saaka socdaal lama filaan ah ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

Socdaal Mr Johnson ee Muqdisho ayaa la xiriira arrimo dhowr ah oo ku saabsan taageerida Somalia, gar gaarka sama falka iyo shirka London ee looga hadlayo arrimaha Somalia ee bisha May dhici doona.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu kula kulmo garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Britain ayaa ka mid ah dowladaha safaaradooda dib uga furay Muqdisho, iyadoo safiir u soo magacaabay.

Afartii sanno ee dambeeyay Xoghayayaashii Arrimaha Dibadda Britain ayaa socdaalo xiriir ah ku imaanayay magaalada Muqdisho, waxaana Britain ay xoojisay xiriirkeeda Soomaaliya.