Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Jabuuti oo gaaray Beledeyne

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Jabuuti Cali Xasan Bahdoon oo uu wehliyo Taliyaha Guud Ciidamada Dalka ayaa maanta gaaray Magaalada Beledwyne ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka oo ay wehliyaan Safiirka Dawladda jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aaden Xasan Aaden, Taliyaha Guud ee Ciidamada Jabuuti Jeneral Zakariye Shiikh Ibraahim iyo Taliyaha Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM Jenaraal Cusmaan Nuur ayaa soo kormeeray Saldhigga ay Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Magaaladaasi, iyagoo u kuurgalay sida ay u socdaan hawsha ay u xilsaaran yihiin ee nabad ilaalinta.

Madaxdu waxay kaloo soo booqdeen Isbitaalka Beledweyne oo ay ku jiraan bukaano ay waxyeelo ka soo gaaratay qaraxyadii ugu dambeeyay oo ay Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ku qaadeen Saldhigga ay ku sugnaayeen Ciidanka AMISOM.