Weerar is qarxin oo goor dhow ka dhacay saldhig ciidan ku yaal Muqdisho

Weerar is qarxin oo goor dhow ka dhacay saldhig ciidan ku yaal Muqdisho

by A M | Monday, Apr 10, 2017 |

April 10 (Jowhar)— Qarax xooggan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay Warshadii Nacnaca ee degmada Wadajir, halkaasoo fariisimo ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga.

Jugta qaraxan ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo aan wali laga heyn warar dhameystiran oo ku saabsan qaraxa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in nin xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee xerada, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaare ka dhashay.

Ninka is qarxiyay ayaa la sheegay in xirnaa dharka ciidamada, kaasoo gudaha xerada ciidan isku qarxiyay, kaddib markii uu idlaaday tababar ka socday xerada.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo saaka ka dhaca Muqdisho, iyadoo saaka subax qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada.

Bil ka hor ayay aheyd markii qarax fashilmay uu ka dhacay agagaarka Warshada Nacnaca, kaddib markii ciidamada ay ka shakiyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, dabadeedna ay rasaas ku fureen.

Shalay ayay aheyd markii weerar is miidaamin ah uu ka bad baaday Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka, wax yar kaddib markii uu xilka la wareegay.

La soco wixii warar ee ku soo kordha.