
Xaaladda Yemen oo Quus taagan
Cunnada oo aad u yar iyo dawada oo gabaabsi ah oo ay sababeen laba sanadood oo dagaal lagu hoobtay uu socday ayaa saamayn weyn ku yeeshay nolol maalmeedka. Wariyaha BBC Nawal al-Maghafi ayaa socdaal ku martay waddanka si ay indhaheeda ugu aragto raadkii uu reebay dagaalka.
Samiira waxay ku cararaysaa iskuul – iminka waa xarun macmal ah oo lagu daweeyo daacuunka – waana hooyo aad u ogsoon in aysan haysan wakhti badan oo ay ku badbaadiso ilmaheeda.
Si ay halkaa u gaarto waxay soo safartay 5 kiloomitir oo lug ah, waa qaabka kaliya ee ay ku imaan karto.
Waxaan fiiriyey ayadoo ku sii ordaysa mid ka mid ah miisaska dadka lagu daweynayo, waxayna si tartiib ah u saartay Orjowan oo ah cunugteeda 18ka bilood jirta, waxayna dhakhtarka weydiisatay inuu u badbaadiyo.
Indhaheeda ayaa xaqiiqda ka turjumayey, kaliya ma aha rajo beel ee waxaa ka muuqday daal la arki karo.
Samira, labadaas sano ayaa waxay si aan nasiino lahayn ugu jirtay dagaal aan dhamaad lahayn. Orjowan oo maqaarkeedu uu bayl cad noqday, aadna u weydoowday, waxay u ekaatay muuq ahaan kala bar dhumucda asaageed, feeraheeda ayaana dibadda u soo baxay caato daraadeed.
Si halka ay taallo loo keeno, reerkeedu waxay ka soo badbaadeen 3dii masiibo ee dagaalakan ugu waaweynaa: qax, gaajo iyo daacuun.