Xaflad Casho Sharaf ah Oo Ka Dhacday Barxada Wayn ee Hoolka Qaryaan dhoodaan ee Magaalada Jigjiga DDSI – SAWIRO

Waxaa xalay ka dhacay  barxada wayn ee hoolka   qaryaan dhoodaan ee magaalada jigjiga xaflad casho sharaf ah oo lagu soo xidhayay barnaamijka balaadhinta adeega isgaadhsiinta DDSI  oo ka socday deegaanada dalka gaar ahaan DDSI kaasi oo ay ujeedadiisu ahayd in dhamaan bulshada DDSI la gaadhsiiyo adeega moobilka gacanta iyo internetka loo yaqaano 3Gga.

Xafladaa casho sharafta ah,  oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu sarayso oo uu ka mid yahaymadaxwaynaha DDSI mudane Cabdi  Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenada DDSI golaha wasiirada DDSI masuuliyiinta ugu saraysa shirkada isgaadhsiinta telifoonada JDFI (Ethio telecom)  oo ay ka  mid yihiin maareeyaha guud ee shirkada isgaadhsiinta telifoonada JDFI mudane Dr Andhualem Admasse , iskuduwaha barnaamijka balaadhinta isgaadhsiinta dalkeena itoobiya mudane Ambachaw Radaye,  masuuliyiin ka socday shirkada Huawei iyo marti sharaf kale.

fladan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo  u mahad celiyay masuuliyiinta  shirkada isgaadhsiinta telifoonada dalkeena itoobiya  ayaa si qoto dheer uga  warbixiyay dadaalada xoogan ee ay shirkada isgaadhsiintu ku balaadhisay adeega isgaadhsiinta deegaanka gaar ahaan barmaamijkan balaadhinta adeega isgaadhsiinta oo kaalin wayn  ka qaatay helitaanka adeega moobilka gacanta iyo internetka 3Gga  kaasi oo gaadhay bulshada deegaanka ee ku nool goobaha fog-fog. Madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in ay dhinaca kale sheegay in ay baraamijkan shaqo abuur ka  heleen iskaashatooyinka dhalinyarada DDSI .wuxuuna madaxwaynuhu ku booriyay masuuliyiinta ka socay shirkada isgaadhsiinta in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aadan tayaynta adeega isgaadhsiinta.

Dhanka kale waxaa ka hadlay xafladan casho sharafta ah maareeyaha guud ee shirkada  isgaadhiinta telifoonada JDFI mudane Dr Andhualem Admasse wuxuuna ka warbixiyay ahmiyada balaadhan ee uu leeyahay barnaamijkan balaadhinta adeega iskaadhsiinta. Isaga oo sheegay  in deegaanka somalida itoobiya uu barnaamijkan balaadhinta adeega iskaagshiintu  sidii loogu talagalay iyo wakhtigii loogu talagalay ka hirgalay. Waxaana taasi noo fududeeyay ayuu yidhi hogaaminta xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo si ka go’aansha leh noola shaqeeyay ayuu yidhi maareeyuhu. Waxaa kale oo uu sheegay in ay hirgalinta barnaamijkan balaadhinta adeega isgaadhsiinta kaalin miisaan culus ka qaataday wakaalada iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI.

Gabagabadii  xafladan casho sharafta ah ayaa waxay masuuliyiinta shirkada isgaadhsiinta telifoonada JDFI  gudoonsiiyeen abaalmarin gaar ah oo iskugu jirta shahaado sharaf iyo hadiyado kale madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar taasi oo uu ku mudaystay sida ka go’aanshaha leh ee uu ula shaqeeyay sidii loo hirgalin lahaa barnaamijkan balaadhinta adeega isgaadhiinta DDSI.

Dhanka kale waxaa abaalmarino kala duwan la gudoonsiiyay xafiisyadii iyo wakaaladihii   ka qayb-qaatay  hirgalinta barkaamijka balaadhinta adeega isgaadhsiinta DDSI.

ddsi2

Xaddsi2

ddsi3

ddsi4