Xildhibaanada Maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo maanta lagu soo bandhigayo Jowhar

Waxaa lagu wadaa in saaka la shaaciyo Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hiiran iyo Sh/dhexe, kadib markii Axadii la soo dhaafay uu shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan dib uga bilowday Jowhar.

Xoghayaha guud ee Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay saaka oo Talaado ah laga sugayo oday dhaqameedyada labada gobol inay u soo gudbiyaan qaabkii ay u qeybsadeen xildhibaanada baarlamaanka oo ka koobnaan doono 71 xubnood.

Shir lagu qabtay mid ka mid ah hotelada magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeybgalay wakiilo ka socday urur goboleedka IGAD,wasaarada Arrimaha Gudaha iyo qaar kamid ah duubabka dhaqanka labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Shirkan oo albaabada u laabnaa ayaa waxaa kadib saxaafada la hadlay Xoghayaha guud ee Wasaarada arrimaha gudaha  Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayuu ku sheegay in shirka wajigiisii labaad uu furmay uuna rajo ka qabo in shirka muddo toddobaad ah lagu soo gabagabeeyo.

Sidoo kale xoghayaha guud ayaa rajo weyn ka muujiyay in ugu dambeyn 3da bisha Oktoobar la dooran doono Madaxweynaha Maamulka cusub ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Hase yeeshee waxaa shirk aka maqan doorkii ay ku lahaayeen labada maamul Sh/dhexe iyo Hiiraan oo aan cidna ka joogin furitaankii shirka.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa cadeeyay in aysan raali ka ahayn shirka maamul u sameynta labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe halka uusan maamulka Sh/dhexe uusan weli cadeyn mowqifkiisa.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta labada gobol ayaan raali ka ahayn shirka in la dedejiyo balse waxa ay ku taliyeen in dib loo dhigo shirka inta ay ka dhamaanayso doorashada guud ee dalka.

Shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiraan ayaan weli la isku raacin magaca uu maamulku yeelanayo iyo weliba calanka astaanta u noqonayso.

Muddo 8 bilood ah ayuu shirkan hakad ku jiray kadib markii ay ka soo horjeesteen qaar kamid ah duubaba dhaqanka gobolka Hiiraan.