Xisbiga Moderaterna ee dalka Sweden oo doonaya in dalka oo dhan laga mamnuuco tuugsiga

Xisbiga Moderaterna ayaa doonaya in la adkeeyo cinqaabta ka dhanka ah guryo jabsashada iyo in la kordhiyo dembiyada cinqaabtooda noqoto dal ka masaafurin si ka badan sida ay maanta tahay.

Xisbiga M, ayaa sidoo kale doonaya in waddanka oo dhan laga mamnuuco tuugsiga.

Tallooyinkan ayaa qayb ka ah barnaamij cusub oo ah siyaasadda xisbiga ee arrimaha dembiyada, kaas oo la horgeyn doono kulan weynaha xisbigu ku yeelan doono magalaada Örebro 12—15 oktober.

– Waa ololihii ugu xooganaa muddo toban sannadood ah. Maanta way sahlan tahay qof in uu ahaado burcad dembiile ah, ayuu yiri afhayeenka xisbiga arrimaha sharciga Tomas Tobé oo saxaafadda maanta la hadlayay.

– Hadda waxa aan qof weliba u cadeyneynaa inuu xisbiga Moderaterna yahay xisbiga sharciga iyo kala dembeynta.