
Waxaa goordhaw magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug lagu doortay xubintii ugu horeesay oo kamid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Waxaana tartankii ugu horeeyay ee Doorashada Aqalka sare uu dhax maray sadex Musharax oo kasoo jeeda Beesha Habar Gidir gaar ahaan Beesha Saleemaan , waxaana doorashada kusoo baxay Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari)
Codadka ayaa look ala helay
1-Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo helay codad gaaraya 48-cod
2-Ahmed Kaariye Xoor xoor oo helay 28-cod
3-Kamaal Guutaalle oo helay codad gaaraya 15-cod
Musharaxa ku guuleestay in uu kamid noqdo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Abshir Bukhaari ayaa ah nin katirsan Kooxda Aalla Sheekh kana mid ah kooxaha ugu saameynta badan, waxa uu sidoo kale yahay Abshir Milkiilaha Idaacada Goobjoog ee magaalada Muqdisho.
Waxaa goordhaw la filayaa in Baarlamaanka Galmudug sidoo kale cod u qaadaan musharixiinta kale ee ku tartameysa in ay kamid noqdaan Baarlamaanka Federaalka, Galmudug ayaana noqoneysa maamulkii ugu horeeyay ee qabta Doorashada Aqalka sare