Xukuumada DDSI Oo Xaflad Heersare ah U qabatay Ardayda Ka Qalinjabisay Jaamacadaha Magaalada Adhisababa

 

Xukuumada DDSI Oo Xaflad Heersare ah U qabatay Ardayda Ka Qalinjabisay Jaamacadaha Magaalada Adhisababa

Adhisababa (cakaaranews)Talaado 11da July 2017.Xukuumada DDSI ayaa Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay uqabatay ardayda ka qalinjabisay jaamacadaha magaalada adhisababa islamarkaana ay kasooqaybgaleen wasiirka xafiiska maamulka DDSI Mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Cabdiwali Xaaji Maxamed Dalmar, xildhibaano heer federal ah, waaldiintii ardayda iyo martisharaf kale.

Hadaba, xafladan ayaa waxaa ugu horayn khudbad muhiim ah ka soojeediyay Wasiirka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase oo ugu horayn u hanbalyeeyay dhamaan ardayda ka qalinjabisay jaamacadaha magaalada adhisababa. Wuxuuna  sheegay wasiirku in sanadkan ardayda kaqalinjanisay jaamacadaha adhisababa ay dhan tahay 195 arday taasoo aad uga badan ardaydii ka qalinjabisay sanad hore. Sidookale wasiirka ayaa  hanbalyo u diray dhamaan ardayda faraha badan ee u dhalatay deegaanka ee kaqalinjabisay jaamacdaha dalka oo dhan. Wasiirka oo hadlkiisa sii wata ayaa xusay in cadowga koobaad ee deegaanku yahay saboolnimada  islamarkaana ay xukuumada deegaanku u guntaday sidii deegaanku uga bixilahaa saboolnimada islamarkaana xukuumada deegaanku ay dhigatay qorshayal kaladuwn oo ay kamid yihiin in lahelo cudud waxbaratay oo tayo leh.

Wuxuuna wasiirku kuladardaamay qalinjabiyayaasha in cilmiga ay barteen ay si fiican oo daacadnimo ah ugu adeegaan bulshadooda islamarkaana ay kafogaadaan musuqa, ninjeclaysiga iyo qabyaalada.

Dhankakale, ardaydii qalinjabisay  iyo waalidiintii kasooqaybagalay xafladan oo dareenkooda kahadlay  ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanayihii xaflada ay u qabatay xukuumada DDSI. Waxayna sheegin in xafladani ay ahayd mid ay aad ugu qiiroodeen sida qurxuxda badan ee ay xukuumadoodu u sharaftay. Waxayna balan qaadeen in culuumtii ay barteen ay si daacad ah oo wadaniyad ah ugu adeeganyaan bulshadooda.

Iskusoo wada duuboo, xafladan oo lagu soo bandhigay ciyaar dhqameedyo kaladuwan ayaa jawi wanagsan oo farxadi kudheehan tahay kusoo dhamaatay.