Xukuumadda Soomaaliya oo u digtay diyaaradaha hareer mara hanaanka canshuuraha

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay la xisaabtamayaan diyaaradaha doonaya inay hareer maraan nidamaka canshuuraha dalka iyo hanaanka duulista Hawada Soomaaliya.

 

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cirka C/raxmaan Kulmiye Xirsi ayaa sheegay in aysan aqbali doonin diyaaradaha ka carara canshuuraha, ayna si adag ula xisaabtami doonaan.

“Marna ma aqbali doonin, diyaaradaha canshuuraha saxda ka cararaya, si adag ayaa ula xisaabtami doonaa”ayuu yiri Wasiiru dowlaha.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay diyaaradaha Qaadka keena, waxaana uu tilmaamay in diyaaradahaas la siiyay shatiyo ay bixiso Wasaaradda Ganacsiga, ayna canshuurto Wasaaradda Maaliyadda, isagoo xusay in wasaaradaas ay kala shaqeeyaan ka hortaga musuq maasuqa.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa ku amartay diyaaradihii Qaadka ee keeni jiray Muqdisho in aysan ka degi karin garoonka diyaaradaha Jowhar, kaddib markii ganacsatada qaadka ay go’aansadeen in Diyaaradihii qaadka u wareejiyaan Jowhar, sababo la xiriira canshuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay.

Arrintan ayaa waxay xiisad siyaasadeed ka dhex dhalisay dowladda Dhexe iyo Maamulka Hirshabeelle oo cambaareeyay tallaabada lagu joojiyay diyaaradihii qaadka inay ka degaan garoonka diyaaradaha Jowhar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacanta ku heysa nidaamka Duulista Hawada Soomaaliya ayaa Diyaaradaha ka soo dega Garoonka Aadan Cadde waxa ay maraan nidaam sharci ah oo Xukuumadda ay u dejisay.