
Ugu yaraan 155 qof ayaa ku dhintay in ka badan 500 waa ay ku dhaawacmeen dhowr weerar oo cirka ah oo lala beegsaday dad ka qeybgalayay tacsi caasimada dalka Yemen, ee Sanca, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.
Boqolaal baroor diiqaya ayaa isugu soo aruuray hool ay uga qayb galayeen aaska xaflad ay u tacsiyeynayeen wasiir ka mid ah dowladda Xuutiyiinta oo aabihii uu dhintay.
Iskuduwaha arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobeey ee dalka Yaman, Jamie McGoldrick, ayaa sheegay in shaqaalaha arrimaha gargaarka ay ka caroodeen duqeynta.
Balse, Sucuudiga iyo isbeheysigiisa ayaa beeniyay in diyaaradohooda ay duqeeyeen goobta ay tacsida ka socotay.
Tirada dhimashada ayaa waxa ay ahayd tii ugu badneed tan iyo markii uu isbeheysiga Sucuudiga uu hogaaminayo bilaabay howlgallada military si ay quwada ugu soo celiyaan Madaxweynaha Abd-Rabbu Mansour Hadi ka dib markii Houthis eey ka saareen caasimada bishii March 2015