
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa bidhaamiyay in uu ka laaban doono qorshihii uu todobaadkan kharashka ugu dalbi lahaa darbiga xadka.
Lataliyaha aadka ugu dhaw madaxweynaha Maraykanka Kellyanne Conway ayaa sheegtay in lacagta lagu maalgalinayo darbiga aan lagu soo dari doonin miisaaniyadda ay tahay in la meelmariyo Jimacaha.
Ballanqaadyadii ugu waawaynaa ee uu sameeyay madaxweyne Trump markii uu ku jiray ol’olaha doorashada waxaa ka mid ahaa in uu darbi ka dhisi doono xadka ay Maksiko la wadaagaan, wixii kharashaad ahna ay bixin doonto dawladdaas ay dariska yihiin.
Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku hanjabay in ay hor istaaagi doonaan biilka miisaanyada lagu ansixinayo haddii lagu soo daro kharashaad lagu dhisayo darbigaas, marka ka saaridda lacagtaas waxay ka hortagi doontaa in uu ismariwaa yimaaddo.
Laakiin madaxweynaha ayaa Twitter-ka ku soo qoray in uu wali taageersan yahay darbiga lana dhisi doono.
Kulan gaar ah oo uu Isniintii la yeeshay warbaahinta muxaafidka ah ayuu ka sheegay in ay u furantahay in uu darbiga kharash u raadiyo qaybaha dambe ee sanadka.
Conway ayaa iyadana Fox News u sheegtay in aan loo baahnayn in kharash loo raadiyo darbiga todobaadkan, balse uu wali yahay arrin muhiim ah”.