
Waxaa lagu soo warramayaa in ciidammo ka tiran ururka Alshabaab ay dagaal culus saaka ku qaadeen saldhig ay ciidammada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 30 km dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.
Dadka deegaanku waxa ay BBC-da u sheegeen inay maqleen qarax weyn oo loo malaynayo inuu yahay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay in marka hore xerada lagu weerraray, kaddibna waxaa bilowday hub culus oo ay iswaydaarsanayeen labada dhinac ilaa uu waaga ka soo cadaaday.
Dadka deegaanku waxa ay sheegayaan in muddo daqiiqada ah uu halkaasi dagaal culus ka socday, balse ilaa hadda lama oga heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerrarkaasi.
Hasayeeshee Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigaas ku dishay in ka badan 20 askari, halka warar iyaga ka madax bannaanna ay sheegayaan in halkaa lagu dilay ugu yaraan 18 askari.
Ilaa iyo haatan ma ay jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca ciidammada dowladda Soomaaliya ee uu saldhigoodu ahaa deegaanka Buulo-Guduud